Maxkamad ku taalla Sacuudiga oo dil ku xukuntay Afar qof

0

Wargeyska CUKAAZ ayaa qoray inay 13 Garsoore ansixiyeen Xukunkaasi, inkastoo ay Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ay walaac ka muujiyeen xukunkaasi.

Qoysaska 3 dhallinyaro oo ka mid ah kuwa maanta la xukumay ayaa sheegay inay ilmahooda ka qeyb galeen Dibadbaxyo, isla markaana ay da’doodu ku hooseyso 18-jir.

Mid ka mid ah Dhallinyarada la xukumay waxa adeer u ahaa Shiikh Nimir Alnimir, kaasi oo isaga iyo 46 kale la dilay bishii Janaayo 2-da ee sannadkan.

Dowladda Faransiiska iyo Hay’adda Amnesty International ayaa ugu baaqay Dowladda Sacuudiga inaysan xukunkaasi ku fulinin dhallinyaradaasi da’dooda ka hooseyso 18 jir.