Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuleed oo maanta hortagay Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa ka warbixiyay Arrimo ay ka mid yihiin Amniga deegaanada Maamulka Galmudug iyo Dagaalka Maamulkaasi uu kula jiro Xarakada Al-shabaab.
Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuleed Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale Baarlamaanka ka hor sheegay in Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ay Deg Deg u tagayaan Maalmo kooban Gudahood islamarkaana aysan jirin Cid ay kala hadlayaan Tagitaanka Caasimadda Galmudug.
“Galmudug waxaa ay Qorsheyneysaa in ay Deg Deg u tagto Caasimadda Galmudug,cid aan kala Xaajooneyno ma jirto Tagitaanka Caasimadda”ayuu Baarlamaanka ka hor yiri Wasiir Taardhuleed.
Magaalada Dhuusamareeb Ee xarunta u ah Gobolka Galgaduud ahna Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa hadda waxaa ay fariisin u tahay Maamulka la baxay Gobolada dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca,waxaana dhawaan Magaaladasi ka dhacay dagaal Dad badan ay ku dhinteen.
Ahlusunna ma jirto wali wax War ah oo ka soo baxay oo ku aadan Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Amniga Galmudug.