Waxaa sare kac xoogan laga dareemayaa Qiimaha lagu kala iibsado fuustada Biyaha Magaalada Baledweyne, iyadoo Ceelasha Magaalada gudaheeda biyahooda ay yaraadeen.
Foostada Biyaha Magaalada Baledweyne ayaa waxaa la kala siisanayaa lacag dhan 70-kun oo Shilin Somali ah oo u dhiganta $3.5.
Biyaha waxaa laga geenaa Deegaanka Ceelgaal oo 9-KM u jira Magaalada Baledweyne, iyadoo marka la keeno Magaalada qiimo sare lagu kala iibsanaayo.
Markii hore foostada Biyaha Magaalada Baledweyne waxa ay ahaan jirtay 20 Kun oo Shilin Somali ah, balse hada oo xilliga kuleylka ah lagu jiro sare u kac ayaa ku yimid.
Dhinaca kale waxaa isbedel dhanka Midabka ah laga dareemayaa Biyaha Wabiga Shabeelle oo midabkii lagu yaqiinay aysan hada ka muuqan.
Arintaan ayaa waxaa si weyn u hadal haayo dadka ku nool Magaalada Baledweyne oo ka yaabay sida ay isku bedeleen midabka Wabiga Shabeelle, xilli Wabiga uu si aad ah u biyo yareeyay.
Dadka ku tiirsan Isticmaalka Biyaha Wabiga ee Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya inay dareemayaan isbedelka dhanka Midabka ah ee Biyaha Wabiga ku yimid.
“Marka aan aragnay dhibka ay dadka ku qabaan cabida biyaha waxaan sameeyay wax la yiraahdo washaaqo taaso aan ka qodnay wabiga qarkiisa waxana laga helaa biyo macaan” Ayuu yiri ruux ka mid ah dadka biyaha Wabiga si weyn u isticmaala.
HALKAAN KA DAAWO SAWIRADDA