DHAGEYSO:- Madaxweynaha Puntland oo mar kale ka hadlay doorashada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulkooda uu weli ku adkeysanayo in doorasho ay ka dhacdo soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay weli ku adkeysanayaan in doorashada somaaliya ay ku dhacdo qaab deegaan isla markaana aysan raali ka ahayn in ay ku dhacdo qaab 4.5 ah.

Waxa uu sheegay in shacabka reer Puntland ay isku raaceen in doorashada soomaaliya ay noqoto qaab deegaan , waxa uuna xusay in ay muhiim tahay in la dhageysto aragtida shacabka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in soomaaliya ay ka gudubtay in wax lagu sii doorto 4.5 oo ay ka wanaagsan tahay in qaab deegaan wax lagu doorto.

Hoos ka Dhageyso Codka:-