Kooxda Daacish ayaa soo saartay qoraalkii labaa oo loogu hanjabay dagaal-yahanada Alshabaab ee Soomaaliya.
Warkan oo u muuqday mid adag ayaa waxaa Alshabaab lagu faray in ay joojiso sida ay ula tacaamulaan waxa ay Daacish ku sheegtay Xubno iyaga ka tirsan Iyo Taagreeyaashooda Soomaaliya.
Daacish ayaa sidoo kale ku eedeysay Alshabaab in ay si xun ula dhaqantay Xubno la midoobay Daacishta Soomaaliya taasina ay sabab u noqon doonto in alshabaab ay wajahdo xaalad halis ah.
IS ayaa sheegtay in Hogaamiyaasha Shabaabku ay amar ku bixiyeen dilka Tobanaan isku diyaarinayay in ay Daacish ku biiraan.
Dhanka Kale Fariintan ISIS ay baahisay ayaa u ekeyd mid goodin ah , maadaama lagu sheegay in haddii Shabaabku ay joojin waayaan dhaqankan, Daacish ay ula Macaamili doonto sida ay ula dhaqanto Cadawgeeda.