Turkiga oo soo bandhigay magaca ninkii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ee Magaalada Istanbul

0

Turkiga, ayaa aqoonsaday ninkii maalintidii Sabtida isku qarxiyay goob laga dukaameysto oo ku taala Bartamaha Magaalada Istanbul, waxaana weerarkaasi ku dhimatay afar ruux oo ninkaasi uu ku jiro, halka 30 kalana ay ku dhaawacantay.

Bayaan ay soo saartay Dowladda Turkiga, ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi uu fuliyay nin Turkish ahaa, laakiin xiriir la lahaa Ururka Daacish (Dowladda Khilaafada Islaamka), ee ka dagaalanta Wadamada Ciraaq & Suuriya.

Ninkan, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Efken Ala, waxaana uu xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa, iyadoo uu u muuqday mid ku qancay fekerka khalafsan ee Daacish.

Baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga Turkiga, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Ala uu ahaa ninkii ka masuulka ahaa qaraxa xoogan, ee Sabtidii gil gilay Magaalada Istanbul. Daacish weli ma sheegan masuuliyadda weerarkaasi.

Qarax xoogan oo gaari loo adeegsaday, ayaa toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Ankara Ee Xarunta Wadanka Turkiga, iyadoo ay ku dhimatay in ka badan 34 qof, waxaana masuuliyadda qaraxaasi sheegatay Jabhadda PKK.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa waxaa uu sheegay in Turkiga uu Midowga Yurub iyo Caalamkaba uu ka fillaayo taageero, uu sheegay lagula dagaalamaayo argagaxisada.

Wasiirka, ayaa wacad ku maray in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah xargjiriinta,  isla-markaana uu kula dagaalami doono gudaha iyo dibadaba.

Billihii la soo dhaafay, ayaa waxaa Magaalooyinka Ankara & Istanbul ku soo badanaayay weerarada ismiidaaminta, ee ay ka gaysanayaan Ururka Daacish & Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga (PKK).