Iyadoo Dhawaan Al-shabaab ay Weerar Xoog leh ku soo qaadeen Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee degan Degaanka Laanta Buuro ee Gobolka Shabellaha Hoose islamarkaana ay ku qabsadeen Gaadiid Dagaal oo gaaraya ilaa lix Gaari ayaa waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay Xirtay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Laanta-buuro.
Wararka ayaa sheegaya in Xabsiga la dhigay Taliyihii Ururka Koowaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Guutada Shanaad iyo Sargaal kale .
Saraakiishaas ayaa lala xariirinayaa in ay wax ka Ogaadeen Weerarka lagu Furtay Gaadiidka dagaalka ee Laanta-buuro ka dhacay.
Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Xuseen Sheene ayaa sheegay in Saraakiishaas Baaritaan lagu wado.
HALKAAN KA DHAGEYSO