DHAGEYSO:- Ciyaaryahan Caan ah oo Lex Sano lagu xukumay

0

Laacibka Kooxda Sunderland iyo Xulka Qaranka England ayaa lagu xukumay 6-sano xabsi ah kadib markii lagu soo eedeyay fal la xiriiro galmo, iyadoo kiiskan uu imaanayo kadib baaritaan dheer oo Booliiska ay ku soo xaqiijiyeen fal dambiyeedkan uu ku kacay laacibka kooxda Sunderland Adam Johnson.

Subaxnimadii hore ee Khamiitiiis ayaa waxa maxkamadda ku taalo Bradford soo xaadiray dhamaan qoyska Adam Johnson oo wahelinayaan Xaaskiisa ama Saaxiibtisa, muddo saacado ah kadib waxa qaadiga Maxkamadd ku dhawaaqay go’aanka laga gaarey kiiska laacibkii hore ee Sunderland taas lagu xukumay 6-sano oo Xabsi ah .

28-jirkan ayaa waayihiisa ciyaareed ku soo qaatay wakhtiyo muhiim ah kala duwan , waxa uuna usoo kala ciyaarey Kooxaha Middlesbrough oo u soo ciyaarey 119 Ciyaar, sidoo kale waxa uu wakhti kale la soo qaatay Kooxda ka dhisan Magaaladda Manchester ee Man City kadibna waxa uu u wareegay kooxda ka dhisan Magaaladda uu kasoo jeedo Ee Sunderland oo uu usbuucii mushaar ahaan uga qaadan jiray lacag dhan £60,000 isbuucii. Qaadiga maxkamadda ayaa ku eedeeyay Adam Johnson in uu uga faaideystay inuu ficilkan Kusameeyo gabadha in uu yahay ciyaaryahan sidoo kalena ay u ahayd taageero gabadhan taas keentay ayuu dhahay qaadiga in Adam Johnson uu waxa rabo ka sameysto gabadhan ka yar 18 sano.

Laacibki Hore ee England ayaa Xalay ku hoyday Xabsiga isagoo muddo dhan 6-sano ku qaadan doono noloshiisa Xabsi ku yaalo Gobolka Bradford, Adam Johnson ayaa isku dayay inuu isdifaaco in badan iyaddo ugu dambeyn go’aan ka gaarey qaadiga kiiskan soo socday ilaa March 2015.

HALKAAN KA DHAGEYSO