Dowladda Chine ayaa $10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah waxaa ay ugu yaboohday Waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya si wax looga qabto Abaaraha ka jira Bariga Afrika.
Wasaaradda Ganacsiga Dalka Chine ayaa Shalay oo jicmo ahayd ku dhawaaqday in deeqdaasi Shiinaha uu u marsiinayo Waddamadaasi Qaramada Midoobey,gaar ahaan Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFB.
$8 Milyan oo ka mid ah Lacagtaasi waxaa lagu bixin doonaa Dalka Itoobiya oo Dad ka badan 10 Milyan oo Qof ay Abaartu saameysay,halka $2Milyan oo kale ay ku bixin doonaan Soomaaliya oo ka mid ah Waddamada ay Abaartu sameynta taban ku yeelatay.
Labad Dale e Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka mid ah Waddamada Bariga Afrika ee ay Abaarta daran ku dhufatay,waxaana ay Abaartaasi wax yeeleysay Dad u badan Reer Miyi oo ku nool Labada Dal.