Wafdi ka socda Beesha Caalamka gaar ahaa Urur Goboleedka IGAD ayaa gaaray maanta Maagaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Wafdiga ayaa waxaa hor kacaya Xoghayaha Guud Ee IGAD Maxbuub Macalim,iyadoo uu ka mid yahay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey.
Ujeedka Wafdiga ay u tageen Puntland ayaa ah sidii Puntland loogu qancin lahaa qaadashada Nidaamka 4.5 Ee Xildhibaana soo socda lagu soo xulayo.
Puntland ayaa sidoo kale waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake,oo maalmahaan Madaxda Puntland kulamo la lahaa.
HALKAAN KA DHAGEYSO