Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xalay Magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in Xalay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ay qaadeen Dagaal ka dhan ah Al-shabaab,kaas oo lagu qaaday Qeyb badan oo ka mid ah Gobolada Dalka ee ay ku sugan yihiin Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Howlgaladaas waxii ka soo baxa Maanta lala wadaagi doono Warbaahinta,islamarkaana Dagaalka Al-shabaab uu socon doono ilaa laga soo Afjaro.
“Al-shabaab waa Cadawga Koowaad ee Ummadda Soomaaliyeed ma dhaafayaan Qof weyn iyo Qof yar midna,ma dhaafayaan Culimo iyo Hooyo Soomaaliyeed iyo Caruur intaba,waa in la iska qabtaa oo lala Dagaalamaa Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed oo isku duuban”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
“Dad Masaajid lagu Tukanayo Salaadii Alle Qarxiyay waxa laga sugayo waa Maxay,diin laawayaal aan Xishoon waaye Dowladda Soomaaliyana wey soo Afjari doontaa inta ka harsan Shabaab”ayuu hadalkiisa sii raacsaday Madaxweynaha Soomaaliya.
Hadalka Madaxweynaha Dalka ayaa imaanaya iyadoo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM aysan Mudo qaadin Howlgallo lagula Dagaalamayo Al-shabaab,taas oo dadka qaar ay ku Micneeyeen in ay Sabab u tahay Weerarada is daba jooga ah ee ay Shabaab Fuliyaan.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen Doorashada dalka ka dhaceysa, Dadka dowlada dhaceeleecya iyo Arimo kale oo xasaasi ah
HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA