Maamulka Gobalka Mudug ee dawlad goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay hayaan raadad ku aadan sidii loo soo qaban lahaa shaqsiyaadkii ka dambeeyey abaabulka qaraxii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo galaaftay nolosha Masuuliyiin iyo dad rayid ah.
Gudoomiye kuxigeenka gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur oo la hadlaayey Radio Gaalkacyo ayaa sheegay in looga baahan yahay dadweynuhu in ay joojiyaan wax keeni kara falal amaan darro, gaar ahaana banaanbaxyada oo uu sheegay in ay ku dhex dhuuman karaan kuwa falalka amaan darro fulinaya.
Gudoomiye kuxigeenku wuxuu qirey in ay hayaan raadad ku saabsan kuwii abaabulay falkan, oo ay hadda xariiro kala duwan la sameeyeen dawladda Dhexe, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyey qaraxii shalay dhacay.
HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA