Aqoonyahan Feysal Rooble Cali oo ka mid ah aqoonyahanada ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadlay heshiiskii Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.
Aqoonyahanka ayaa sheegay in ay qalad tahay in nidaamka 4.5 uu ogolaado madaxweynaha Puntland isla markaana nidaamkaasi uu yahay mid aan ku wanaagsaneyn shacabka puntland.
Waxa uu eedeyn u jeediyay Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ooo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa maqaar saar ah oo aan lagala tashan ogolaanshaha Madaxweynaha Puntland ee 4.5.
Waxa uu Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ugu baaqay iney u yeeraan Madaxweyne C/weli gaas isla markaana ay su’aalo ka weydiiyeen sababaha uu ku ogolaado 4.5.
Waxa uu si guud kaga hadlay dhibaatada ka dhalan karta ogolaanshaha 4.5. iyo sida aysan shacabka Puntland ugu qanacsaneyn nidaamkaasi.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Aqoonyahan Feysal:-