Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday si loo damaanad qaado ayna u jirto Howlgalka laga wado Soomaaliya in AMISOM howlgalkooda loo badalo howlgalka QM ee Soomaaliya mar hadii ay Yurub ay jartay lacagihii ay siin jirtay AMISOM %20.
Kenyatta ayaa hadalkaan u sheegay Angal Markel Ra’iisul wasaaraha dalka Germany,waxana khalad fadeexo ah uu ku tilmaamay ciidamada ka howlgalaya Soomaliya in lacagihii laga jarto.
Badalkeeda waxa uu soo jeediyay si lacagtaasi loo dhiibo in howlgalka AMISOM la gaarsiiyo Howlgalka QM.
Kenyatta ayaa sheegay in Mowqifka Midowga Afrika uu yahay in ay hesho taagero dhamaystirn oo saxiibada caalamka ay bixiyaan.
Madaxweynaha Kenya ayaa u sheegay dowladda Germany oo ah dowladda ugu weyn ee fududeeysa Misaniyada Yurub in la bixiyo lacagaha loogu talagalay AMISOM.
Amina Maxamed Xoghayaha arimaha dibada Kenya ayaa sheegtay in la ogsoon yahay in waxa ka socda uu sameyn ku leeyahay caalamka intisi kale wareysi ay siisayay warbaahinta Kenya.
Kenyyatta ayaa lakulmay sidoo kale Madaxweynaha dalka Faransisa Faransuwa Holandi oo arimaha AMISOM uu kala hadlay.