Soomaaliya waqtigan waxaa ka howlgala Hay’addo badan oo caalami ah, kuwaas oo ay shaqooyinka ay qabtaan aad loo dhaliilayo, waxa ayna inta badan eedaha ugu badan ka yimaadaan Da’yarta Soomaaliyeed ee waxbaratay, hadana Shaqooyinkii ay qaban lahaayeen ay qabanayaan dad u dhashay dalalka jaarka ah iyo kuwa meelo kale laga keenay.
Todobaadkan mid kamid ah Hay’addaha Caalamiga ah ee ka howlgasha Soomaaliya World Vision waxay soo xayaysiisey Boos Shaqo oo ka banaan, kaas oo la xariira dhanka Caafimaadka, gaar ahaana Xanuunka TB-da, dad badan oo qaban kara ayaa kusugan gudaha dalka.
Laakiin sheekada xusida mudan oo ay dad badan oo Soomaaliyeed la yaaban yihiin ayaa ah in Sharuudaha laga rabo qofkan ay ka mid tahay in uusan heysan Diinta Islaamka, uuna yahay qof aan Muslim aheyn, taas oo ka dhigan in ay arrintan sheeko kale xambaarsan tahay.
Warbaahinta DALSOOR ee Wariye Jamaal Osman ayaa warbixin gaar ah ka diyaariyey Hay’addaha Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin Fidinta Diinta Kiristaanka.
HALKAAN KA DAAWO