Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cismaan oo Maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay balan qaad ay Dowlada Talyaaniga u sameysay ee ahaa in Dekeda ugu weyn Afrika ay ka dhiseyso Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in masuuliyiintii uu kula kulmay Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga ay si cad u sheegeen in ay Soomaaliya ka dhisaya Dekeda ugu weyn ee Afrika iyo sidoo kale in Dowlada Soomaaliya ay ka taageerayaan dhismaha Garoon Caalami ah.
Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka:-