Magaalada muqdisho waxaa maanta soo gaaray madaxda maamul gobaleedyada Soomaaliya kuwaas oo ka qeybgali doona shirka madasha qaran oo maalinta berri ah ka furmi doona magaalada Muqdisho.
Madaxda maanta soo gaartay magaalada Muqdisho waxaa kamid ah Madaxweynaha maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo sidoo kalana horay magaalada Muqdisho uu ugu sugnaa Madaxweynaha maamulka Galmudug C.kariim Xuseen Guuleed.
Shirkan ayaa ah kulankii ugu dambeeyay ee kulamada shirka madasha qaran kaas oo soo maray marxalado kala duwan islamarkaana hoggaamiyaasha dalka ay go’aan mideysan kaga gaarayaan habka ay u dhici doonto doorashada Ddhowaan la filayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.