DHAGEYSO:- Biyo la’aan daran oo ka jirta degmada Afmadow

0

Biyo la’aanta ka jirta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in dadka ku nool magaalada iyo deegaanada ku dhow ay yihiin kuwa halis ku jira maadaama biyo la’aan ay ka jirto degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose Muuse Macalin Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland laga doonaayo inay u gurmadaan dadka biyo la’aanta hayso eek u nool degmada Afmadoow.

Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiyaha in ay muhiim tahay in xilligaan gurmad deg deg ah oo dhinac kasta ka yimaada lala soo gaaro dadkaan heysta biyo la’aan.

Waxa uu sheegay in maamulka degmada ay ku dadaalayaan sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.

Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ka jira abaaro daran oo saameyn ku yeeshay dadka iyo Duunyada, waxaana madaxda Dowlada ay sheegeen in ay wadaan dadaalo dadkaasi loogu gurmanayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-