DHAGEYSO:- Gabar Soomaaliyeed oo UK xukun ku riday ka dib markii lagu helay arrin xun

0

Labo haween oo mid ka mid  ah ay Soomaali tahay ayaa kasoo hor muuqday Maxkamada kutaal magaalada London ee dalka UK  ka dib markii lagu eedeeyey in ay dil u geysteen haweenay soomaali ah oo lagu magacaabi jiray  Hamdi Jiumala.

Haweenkan ayaa lagu magacaabaa Kinsi Caydiid oo da’deeda lagu sheegay 21 jir iyo Magdalana Agathine oo iyaduna 21 sano jir in ay dil arxan daraa u geysteen 17 bishii September ee sanadkii hore Xamdi jimcaale oo da’deeda lagu sheegay 27 jir ah.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ay ku murmeen guri ay kunoolaa yeen   oo kuyaal woqooyiga maagaalada London ee dalka UK, waxayna u geystay jirdil aad u xun ka dib xamdi jimcaale ayaa geeriyootay, waxaana ciidamada boliisku ay ay meydkeeda ka heleen guriga.

Kinsi caydiid ayaa la xaqiijiyey in ay u dhalatay dalka Soomaaliya   Magdalana Agathine ayaana wali la shaacin cida ay u dhalatay laakiin warbaahinta gudaha dalka UK ayaa qoraysaa in ay kasoo jeedu qaaradda Afrika.

Mell mina oo ka mid ah dariska kinsi caydiid ayaa maxkamadda ka hor sheegay in uu arkaayey kinsi iyo Magdalana Agathine oo ka garaacaya xamdi jimcaale madaxa iyo qeybha sare jirkeeda.

Garsooraha Maxkamadda Old Bailey  ku dhawaaqay xukunka  lagu riday kinsi caydiid waxaana lagu xukumay xabsi daa’im oo dhiganta 15 sano oo sharciga dalka UK Magdalena Agathine ayaa sidoo kale waxaa lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-