Warbaahinta dalka Ruushka gaar ahaan wakaaladda wararka INTERFAX ayaa baahisay in Sadex ruux oo miinooyin isku soo xiray ay isku qarxiyeen magaalada Stravropol oo ku taala waqooyiga dalka Ruushka.
Afhayeen u hadlay dawlada Rushka ayaa sheegay in qaraxyada oo ka dhacay meel banaanka ka ah saldhig boolis in sadexda ruux ee isa soo miineeyay kaliya ay ku geeriyoodeen oo aysan jirin cid kale oo ku waxyeelawday.
Wakaaladda kale ee wararka u faafisa dawlada Rushka ayaa baahisay in mid ka mid ah kooxda weerarka qaaday la toogtay halka labada kalena is qarxiyeen.
Ma jirto cid willi sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas hase ahaatee dawlada Rushka ayaa ka mid ah dawladaha Syria kula dagaamaya kooxda isku magacawday dawlada Islaamka ee Daacish.