Shirkii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, ayaa lagu wadaa saaka oo Talaado ah in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Muqdisho, lagana soo saaro warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha madaxda ay ku heshiiyeen.
Shirkan oo socday labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa looga hadlaayay arimaha ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa in dalka Doorashooyin ay ka dhacayaan iyo qaabka Doorashada ay u dhaceyso iyo sidoo kale sidii loo soo xuli lahaa labada Aqal ee Dowladda cusub, waa Aqalka Sare iyo Aqalka hoose.
Doodo badan iyo isjiid jiid kadib waxaa lagu wadaa saaka in la soo afmeero Shirkaasi oo Saxaafadda loo soo bandhigo qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxda Shirkii u socday.
Bahda Saxaafadda ayaa looga yeeray madaxtooyada Somaliya saaka saacada marka ay tahay 8:00 Subaxnimo si halkaasi loogu soo bandhigo Qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxda.
Arimaha ugu waaweyn ee sida la sheegayo Madaxda ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in Doorashada ay dhacdo Waqtigii loogu talo galay, xilli ay ka harsan tahay kaliya muddo Afar bilood ah.
Marka la eego Waqtiga ka harsan Doorashada iyo shaqooyin badan ee Dowladda hor yaallo ayaa ah kuwa badan, waxaana ka mid ah Shaqooyinka culus ee Dowladda horyaal arimaha Dastuurka, ammaanka iyo arimo kale.
Hoos ka Dhageyso Codka:-