Al-Shabaab oo Beelo dagaalamay ku Heshiisiiyay gobolka Sh/Hoose, amarana duldhigay

0

Dhaq Dhaqaaqa Al Shabaab Ayaa Shir Dib u Heshisiin Degmada Janaale EE Gobolka Sh/Hoose Ugu Qabtay Beelo Dhawaan ku Dagalamay Sh/Hoose Sida lagu shaaciyey Baraha ku hadlaya Afka Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa Beelaha ay dhex dhigeen Heshiiska waxey ku amreen in 3 bil gudahood ay ku xaliyaan wixii kala gaaray, waxeyna dul dhigeen Amaradan.

1-In gabi ahaanba Goblka laga qaado dhammaan isbaarooyinka Qabaa’ilka u yaala.

2- In la kala saaro Maleeshiyo Beeleedyada iyo Ciidamada Dowladda.

3-Inaan hub lagu arki karin tuulooyinka Iyo degmooyinka cid aan ahayn mujaahidiintana aysan hub ku wadan karin.

4-In lagu dhaqmo shareecada Islaamka laguna kala baxo Kitaabka Alle.

5-Dhinacii buriya Heshiis waxaa ay sheegeen in ay Tilaabo ka qaadi doonaan .