Ciidamada Itoobiya oo Al-Shabaab ka qabsaday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay saaka Shabaab kala wareegeen deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Howlgalo ciidamada ay qaadeen, ayaa waxaa u suuuragashay inay ku qabsadaan Deegaan lagu magacaabo Booco oo ka mid ah deeganada hoostagga Degmada Halgan.

Guddoomiyaha Degmada Halgan Guhaad Cabdi, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada ay qabsadeen deegankaasi, kadib dagaal kooban oo Shabaabka iyo ciidamada Huwanta dhexmaray.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay inuusan ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse uu jiro Khasare soo gaaray ciidamadii Shabaabka ee deegankaasi laga saaray.

Guhaad Cabdi Guddoomiyaha Degmada Maxaas waxa kale uu sheegay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom inay fariisimo cusub ka sameysteen deegaanka Nuur Fanax oo iyana Saaka Shabaabka laga qabsaday.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan weli kama aysan hadlin dagaalkaan ciidamada Dowladda iyo Amisom iyo Shabaab oo dhinac ku dhexmaray Gobolka Hiiraan ee Shabaabka looga qabsaday deeganada cusub.

Dhawaan ayeey aheyd markii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu safar ku tagay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, ciidamadana kula dar daarmay Shabaabka inay ka saaraan deeganadaasi.