DAAWO:- Axmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Jig Jiga

0

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa Khamiistii gaaray Magaalada Jigjiga Ee Xarunta Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya.

Wefdiga Madaxweynaha Jubbaland, ayaa waxaa Garoonka Wiilwaal ku soo dhaweeyay xubno uu horkacaayay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha Jubbaland oo muddo kooban ku hakaday qaybta soo dhawaynta ee Garoonka Wiilwaal, ayaa waxaa kolkii dambe loo kaxeeyay Xarunta Qaryan Dhoodaan, halkaasoo ah goobtii loogu talla-galay in la dejiyo.

Madaxweynaha, ayaa mudada uu ku sugan yahay Magaaladaasi waxaa uu kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, inkastoo aan faah faahin badan laga hayn arrimaha ay ka wada hadlayaan.

Axmed Maxamed Islaam oo habeenkii Arbacada ku hoyday Magaalada Addis Ababa, ayaa halkaasi kaga sii gudbay Magaalada Jigjiga.

Xubnaha Axmed Madoobe ku wehlinaaya booqashadiisa Jigjiga, ayaa waxay isugu jiraan Wasiiro, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Kismaayo iyo Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe, C/rashiid Jire Qalinle.

Waa booqashadii ugu horeysay ee uu Axmed Madoobe ku taggo Magaalada Jigjiga, tan iyo markii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

33 44 55 66 77 88 99 11 22

33 44 55 66 77 11 22