DAAWO:- Darbi weyn oo ku yaalla Dalka Kenya oo soo dumay iyo Khasaaro ka dhashay

0

Afar qof ayaa la soo sheegayaa inay ku geeriyoodeen Magaalada Nairobi kadib marki uu darbi ku soo dumay wadada Lenana ee caasimada Magaalada Nairobi.

Shilkan afarta qof ay ku geeriyooden oo shalay galab dhacay ayaa ka dhacay agagaarka xarunta difaaca iyo safaarada Ruushka ee Magaalada Nirobi.

Taliyaha Booliska ee Kilimani oo ah goobta ay dhimashadan ka dhacday Peter Kattam oo xaqiijiyay arintan ayaa sheegay in afarta qof ay roobka da’ay darbiga kaga ganbanayeen kadibna uu ku soo dumay isla gobtana ay ku dhinteen.

Wadooyinka ayuu sidoo kale sheegay sarkaalkan ay xanibtay islamarkaana hadda ay latacaalayan si wadooyinka xaafadasi ay caadi ugu soo noqon laheed.

Sidoo kale dad gaaraya ilaa 50 ruux ayaa la soo badbaadiyay, kuwaasi oo ay qaadeen daadkii ka dhashay roobabka Magaalada Nairobi ka da’ay Khamiistii iyo Jimcihii.

Dhismaha dadkaan ku soo dumay ayaa wuxuu ka koobnaa lix dabaq sida Saraakiisha Booliska ay sheegeen.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Darbiga-Kenya-soo-dumay Darbiga-Kenya-soo-dumay-1 Darbiga-Kenya-soo-dumay-2 Darbiga-Kenya-soo-dumay-3