DAAWO:- Dardar gelinta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe o laga shiray

0

Kulan balaaran oo ay kasoo qeyb galeen qaar ka mid bulshada kunool labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa looga hadlay dardargalinta shirka socda magaalada Jowhar.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay  madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Ururka Haweenka Qaranka, iyo Haweenka Gobolka Shabeelaha Dhexe, wasxaana looga hadlay sidii loo dadajin laha Dhammeystirka shirka Maamul u sammeynta labada gobal.

Gudoomiyaha ururka haweenka qaranka marwo Batuulo Axmed Gabale ayaa sheegtay  in loo baahanyahay in maamulka loo dhisaayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe 30% xilidhibaanada labada gobol lasiiyo haweenka kasoo jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Qaar ka mid ah waxgaradka labada gobol oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dadajiyo Shirka kasocda magaalada Jowhar .

Hoos ka Daawo Sawirada:-

jowhar 2 jowhar 3 jowhar 4 jowhar 5 Jowhar 6 jowhar 7 jowhar 8 jowhar 1