Daawo Sawiro Cajiib ah oo laga soo qaaday Tahriibayaal laga soo badbaadiyay Badda Cas ee la soo gaarsiiyay Dekeda Boosaaso

0

Dad tahriibayaal ah oo saarnaa dooni ka baxday xeebaha gobolka Bari kuna sii jeedday dalka Yemen ayaa markab dagaal oo leedahay  NATO, waxaa ka soo badbaadiyay biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen kaddib marki ay cillad ku timid doonti ay saarnaayeen.

Tahriibayaasha oo ka koobnaa 92 qofood ayaa todobo ka mid ah la sheegay iney Soomaali ahaayeen halka inta kalena ay u dhasheen dalka Ethiopia waxaana dadkaasi laga soo dejiyay dekeda magaalada Boosaaso.

Tahriibayaasha la soo bad baadiyay ayaa xalay laga soo dajiyay Dekkada magaalada Boosaaso, waxaana durba loo fidiyay gurmad, iyadoona ay jiraan kuwa ay xaaladooda caafimada liidato oo la geeyay xarumo Caafimaad.

Dadkan Tahriibayasaha ah ee la soo badbaadiyay ayaa loo fuduyay gurmad caafimaad waxaana qaar ka mid ah dadkaasi ka muuqday dhaawacyo soo gaaray inti ay badda ku jireen.

Tahriibayaashan ayaa la rumeysanyahay iney qorsheynayeen iney dalka Yemen uga sii gudbaan dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

22 33 44 55 11