DAAWO:- Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo hogaan cusub doortay Xilli doorashada NUSOJ ay soo dhaw dahay

0

Munaasabadan lagu dooranayay guddoomiyaha cusub ee ururka Suxufiyiinta Gobalka Mudug ee Galmudug  ayaa lagu qabtay Hotelka Embassy ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyinta Maamulka Degmada Gaalkacyo, Ururrada Haweenka, Dhallinyarada, Suxufiyiinta ka howlgala Gobalka Mudug iyo Wariyayaal ka socda Gobalka Galgaduud..

Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Gobalka Mudug ee Galmudug oo  ay ku loolamayeen labo musharax oo kala ahaa Liibaan Cajiib Xaaji iyo Burhaan Cabdullaahi Xaashi oo ahayd mid wariyayaashu codkooda ku dhiibanayeen hab qarsoodi ah ayaa markii ay codbixintu soo idlaatay waxaa natiijada  ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Liibaan Maxamed Cali Kuuriya oo isagu sheegay in codadkooda ay dhiibteen 24 xubnood,  waxaana uu ka dhawaaqay sida loogu kala guuleeystay, waxaana natiijadii ay noqatay  musharax Liibaan Cajiib Xaaji oo helay 6cod halka musharaxa burhaan C/laahi Xaashi uu helay 16 cod, waxaana khasaaray laba cod  sidaa darteed waxaa ku guuleeystay guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Gobalka Mudug ee Galmudug Burhaan C/laahi Xaashi.

Ku dhawaaqida natiijada kaddib waxaa dareenkooda ka hadlay musharixii laga guuleystay iyo guddoomiyihii la doortay ugu horeeyna Liibaan Cajiib Xaaji oo ahaa musharixii laga guuleeystay ayaa sheegay inuu soo dhaweeynayo natiijada doorashada uuna la shaqeey doono guddoomiyaha la doortay.

Guddoomiyaha la doortay Burhaan C/laahi xaashi ayaa isna dhankiisa sheegay in uu xoogga saari doono sidii loo horumarin lahaa aqoonta saxafiyiinta, isla markaana ay bulshadooda ugu adeegaan si hufan oo wadaniyadii ku jirto, isagoo dhanka kalena ugu hambalyeeyay musharixii laga guuleeystay howl karnimada shaqo ee lagu bartay

Ugu danbeeyna waxaa halkaasi  qudbad muhiima ka jeediyay guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre, waxaana uusoo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Gobalka Mudug taasoo uu xusay in ay wax weyn kusoo kordhin doonto qaabka wada shaqeeyneeyd ee Saxafiyiinta iyo Maamulka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

33 44 55 66 11 22