DAAWO VIDEO:- Madaxweynaha Jubbaland oo koormeeray Biyo Xireen ku yaalla duleedka Magaalada Jig Jiga

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe”  oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa koormeer ku tagay Biyo-xireenka weyn ee ku yaalla duleedka magaalada Jigjiga.

Labada madaxweynay ayaa kormeeray biyo xireenka iyagoona soo arkay faa’dada ka immaan karta biyo-xireenkan weyn ee ku yaalla xarunta dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa Madaxda Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ku amaanay sida wanaagsan oo ay mar walbo ugu war qabaan biyo xireenka.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe”  iyo wafdi uu hoggaamimaayo ayaa maalintii seddaxaad booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-