DEG DEG:- Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Jig Jiga

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa gaaray Magaalada Jig jiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,halkaas oo uu kaga sii horreeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam.

Guuleed ayaa u tagay Jig Jiga,Wadahadallo Nabadeed oo dhexmaraya Maamullada Galmudug iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya oo dhawaan ku dagaallamay degaanka Daac-dheer ee Gobolka Galguduud,waxaana dhex dhexaadinaya Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Jig Jiga,ayaa lagu wadaa in ay ka furmaan Wadahadallo Nabad loogu raadinayo Dadka wada dega Xadka Gobolka Galguduud uu la wadaago ismaamulka Soomaalida Itoobiya,halkaas oo ay dhawaan ku dagaallameen Dadka Degaanka iyo Ciidanka Liyuu Blliska ee Maamulka Soomaalida Itoobiya.

Dagaallada deegaankaasi ee u dhaxeeya Dadka degaanka iyo Ciidanka Liyuuga ayaa soo laabtay dhowr jeer,waxaana markasta lagu dhameynayay wadahadallo sidan oo kale u dhexmarayay Labada dhinac.