DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo laga saaray deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe

0

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom, ayaa Ururka Al Shabaab waxa ay kala wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada.

Howlgal qorsheysan oo si wadajir ah ciidamada ay u qaadeen, ayaa waxaa suuragashay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom inay la wareegeen gacan ku haynta deegaano Shabaabka ay horay u joogi jireen.

Deeganada ciidamada ay gaareen ayaa kala ah Runirgood, Nuurdugle, Masaajid Cali gaduud, iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Guutada Afaraad ee ciidamada Xooga dalka Gaashaanle Saney Cabdulle.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayuu sheegay inay wadaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka deegaanada ay la wareegen ciidamada, isaga oo sheegay howlgalka inuu sii socon doono.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaal la’aan ay kula wareegeen deeganadaasi, kadib markii ciidan tiro yar oo Shabaab ka tirsan oo deeganadaasi ku sugnaa ay isaga carareen.

Inta badan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa Shabaabka ka qabsada deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, balse durbadiiba ciidamada waa ay isaga baxaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-