DHAGEYSO:- Ciidamada Puntland oo la wareegay guriga Hogaamiyaha Bariga Afrika ee Kooxda Daacish

0

Saraakiisha Ciidamada Mamaulka Puntland ayaa sheegay in ay la wareegeen guri uu deegaanka Gal-gala ku lahaa Hogaamiyaha Ururuka Daacish ee geeska Afrika ninka sheegtay Sheeq C/qaadir Muumin.

Warbaahinta caalamka qaar kood ayaa soo bandhigay muuqaal laga duubay ciidamada gaarka ah ee Maamulka Puntland oo gudaha u galaya dhismo u muuqda mid qabyo ah waxaana saraakiisha la wareystay ay sheegeen in uu lee yahay gurigaas C/qaadir Cali Muumin oo ahaa hogaamiyaha Al Shabaab ee deganada puntland hadana isaga iyo kooxdiisa ku biiray Daacish.

Jeneral Saciid Maxamed Xirsi taliyaha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in inkastoo ay ka guulesysteen Al Shabaab iyo Daacish hadane ay u baahan yihiin taageero caalami ah hadii ay waayaana ay aragagixisado ay hooy ka dhiganeyso deegaanada Puntland sida uu yiri.

Hoos ka Dhageyso Codka:-