DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay halka uu marayo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa rajo ka muujiyay in Xukuumadda ay ku guuleysaneyso dhismaha Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in uu iminka meel fiican marayo dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Shirka wuu socdaa, waxaana laga taxadarayaa in aan si qalad ah wax ku dhismin, waqti ayay qaadatay, waana siinay waqtigaas, runtii mid aan laga soo marin qilaaf ma jirin, waxaan rajeynaynaa in shirka uu miro dhalo oo lagu guuleysto” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay fursado siineyso dhallinyarada, si ay door ugu yeeshaan habka uu u dhacayo doorashooyinka, oo ay qeyb ka noqdaan guddiyada dhanka doorashooyinka qaabilsan.

Hoos ka Dhageyso Codka Ra’isal Wasaaraha:-