DHAGEYSO:- Dowladaha Jarmalka iyo Australia oo ka walaacsan Muhaajiriinta dalalkooda ku qul qulaya

0

Dowladaha Jarmalka iyo Austria ayaa ugu baaqay dalka Talyaaniga in ay qaadaan tallaabo dheerqaad ah si loo joojiyo qulqulka muhaajiriinta ee ku wajahan woqooyiga Yurub.

Wasiirka arrimaha dudaha dalka Jarlamka Thomas de Maiziere, ayaa ka digay in dadka muhaajiriinta ah la iska soo fasaxo, arrintaasi oo uu sheegay in ay dhiirigelin karto in muhaajiriin badan ay Yurub u soo hayaamaan.

Dhiggiisa dalka Talyaaniga, Wolfgang Sobotka, ayaa difaacay qorshaha muranka badan dhaliyay ee lagu xirayo marinka Brenner.

Sobotka oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa sheegay in uu ogyahay muhiimadda marinka Alpine uu u leeyahay midowga reer Yurub balse Austria ay xaq u leedahay in ay difaacato xudduudaheeda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-