DHAGEYSO:- Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay Arrimo Xasaasi ah

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa kula kulmay magaalada Abu Dhabi la qaatay dhigiisa Isu tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Abadalla Bin Zayid Al Nahyan, iyagoo kaga wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta Abdulkadir Sheekhey Mohamed Al-Hatimi, oo lagu amaanay doorka uu ka qaatay wanaajinta xiriirka labada dal.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dal iyo sidii Imaaraadka Carabta uu sii wadi lahaa taageerada uu siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Hadliye ayaa ka mahad celiyay mashaariicda Imaaraadka Carabta ka fulinayaan Soomaaliya iyo kaalmada bani’aadanimo ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Sheikh Abadalla Bin Zayid Al Nahyan ayaa sheegay inay sii laba laabayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoo amaanay horumaradii u dambeysay ee ay sameysay dowladda Federaalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-