DHAGEYSO:- Gudoomiye Jawaari “Xildhibaankii ka maqnaada kalfadhiga 8aad, laguma soo dari doono Baarlamaanka Cusub ee soo socda”

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaanada ka maqan kalfadhiga 8aad u diray digniin ku aadan in beeshiisa iyo Guddiga doorashooyinka ee soo xulaya Xildhibaanada soo socda ay u gudbin doonaan inuu gudan waayay waajibkiisa qaran.

Jawaari ayaa qaati ka taagan maqnaanshaha joogtada ee Xildhibaanada, iyadoo kalfadhigan 8aad uu yahay kii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka hada jira, iyadoo lagu wado in dhowaan la soo dhiso Labo Aqal Baarlamaan

“Waxaa jirta Xildhibaano badan oo inoo diiwaan gashan ay maqnaashahooda badnaadeen, qof alla qofkii Xildhibaan ah oo ka maqnaada kalfadhigan 8aad, Guddoon ahaan waxaa goosanay in hadii xilkiisa uu gudan waayo inaan gaarsiineyno warbixintiisa Duubka asiga soo qoray iyo Guddiga doorashooyinka, si ay uga fiirsadaan in afar sano kale aan loo cusbooneysiin”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo maanta ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaaraha ku hor-geeyay hanaanka doorashooyinka.

Sidoo kale Jawaari ayaa ugu baaqay dhamaan Xildhibaanada inay soo wada galaan, maadaama laga doodayo masiirka jamhuuriyada Federaalka, waxaana uu mar kale ku celiyay in Xildhibaankii aan soo xaadirin kulamada soo socda loo aqoonsan doono Xildhibaan aan gudan waajibkiisa qaran.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhowaan waxaa uu mamnuucay safarada dibadda ah ee Xildhibaanada uga ambabaxaan dalka, markii ay badatay Xildhibaanada safarada isaga maqan ee aan kalfadhiyada baarlamaanka soo xaadirin.

Kulamadii u dambeeyay ee Baarlamaanka uu lahaa ayay aad u yareyd tirada Xildhibaanada ee ka soo qeyb galayay, waxaana la arkayay kuraasyada xarunta golaha shacabka oo si teel teel ah ay ugu fadhiyaan Xildhibaanada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-