DHAGEYSO:- Hay’addaha gargaarka oo ka dayriyey xaalada Soomaaliya

0

Warbixin  ay sida wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah hay’addaha  gargaarka ayaa lagu sheegay in ay kasii dareyso abaarta ku dhufatay deegaanada maamulada Soomaaliland iyo puntlnad.

Inkastoo roobab aan badneyn laga helay qaar kamid ah gobolada labada maamul hadana waxaana ay sheegeen  in  ay jiraan dad badan oo qarka u saaran in ay u  geeriyoodaan cunto yari iyo nafaqo daro.

Waxay sheegeen hadii aan la sii wadin gargaar ay ubaahan yihiin dadka kunool Puntland iyo Soomaliland  waxaa suurgal in xaaladu ay gaarto midii dhacay sanadyadii  2010-12 markaasoo ay sheegeen in baar darted ay u dhinteen ku dhawaad 260,000 oo qof .

Qaramada Midoobay ayaa codsaday  105 milyan  oo dollar si wax loogu qabto ku dhawaad  385,000 qof oo ku nool Somaliland iyo Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-