DHAGEYSO KHUDBADA:- Ra’isal Wasaaraha uu Maanta ka hor jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya

0

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Maanta oo Sabti ah waxa uu hortagay Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’isal Wasaaraha ayaa Baarlamaanka ka hor jeediyay Khudbad uu kaga hadlayo qorshaha Xukuumada eek u aadan hanaanka doorasho ee Dalka.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay kaalin muuqato ka qaadaneyso isbedelka la filayo inuu dalku ka dhaco iyo doorashooyinka la filayo in la qabto.

Waxa uu sidoo kale u mahad celiyay Hay’adaha Caalamka iyo dowlahadaha daneeya arrimaha Soomaaliya ee Xukuumadiisa ku amaanay heshiiskii muqdisho lagu gaaray iyo doorka ay ku lahayd.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ugu dambeyn Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka codsaday iney ansixiyaan Barnaamijka uu horkeenay.

Hoos ka Dhageyso Khudbada Ra’isal Wasaaraha oo dhameystiran:-