DHAGEYSO:- Maamulka Degmada Xudur oo bilaabay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab iyo qorshooyin la dajiyay

0

Maamulka degmada Xudur ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab, iyadoo maalmahan degmadaasi iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Xudur Mustaf Aadan Xuseen ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan dadaalo lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Waxaana uu sheegay in bilaha soo socda ay degmada Xudur iyo tuulooyinka hoos yimaada ay ka saari doonaan ururka Al-shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay deegaanada ay ka taliyaan maalmihii udambeeyay ay ka wadeen howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-