DHAGEYSO:- Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano hor leh

0

Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa la wareegay deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Gudoomiyaha degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa sheegay in howlgalo culus oo ay qaadeen in ay ugu suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan deegaano ka tirsan degmadaasi.

Waxa uu sheegay Gudoomiayaha in tuulooyinka ay la wareegeen ay Al-Shabaab ku sugnaayeen mudooyinkii dambe isla markaana ay hada gacanta ku soo dhigeen lana wareegeen Ciidanka Maamulka koofur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku daba jiraan Al-Shabaabka ay ka saareen deegaanada, waxa uuna xusay in ay ka go’an tahay in Al-Shabaab ay ka saaraan guud ahaan deegaanada gobolka Bakool.

Hoos ka Dhageyso Codka:-