DHAGEYSO:- Madaxweynaha Somaliland oo xilalkii ka qaaday Masuuliyiin sar sare

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “ Siilaanyo” ayaa xilalkii loogu qaaday Wasiirkii Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Taliyihii Ciidamada bada ee Maamulkaasi.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha ayaa xilalkii loogu qaaday labadaasi masuul ee ka tirsan Maamulka Somaliland.

Xil ka qaadistaan labadaani masuul ayaa loo cuskaday ka dib markii ay fulin waayeen awaamiir horay ugu soo baxday Madaxtooyada Maamulka Somalilland.

Wasiirkii Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ee xilkii laga qaaday ayaa lagu magacaabaa Maxamed Jaamac Abgaal, waxaana digreetada xilka loogu qaaday lagu muujiyay in ay og yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, Agaasimaha guud iyo shaqaalaha Wasaarada.

Xilalka laga qaaday labadaani masuul ayaa waxaanan jirin cid kale oo lagu badalay labada masuul ee xilalka laga kala qaaday.

Digreetada ayaa lagu muujiyay in xil ka qaadista uu sameeyay Madaxweynaha Somaliland in uu og yahay Wasiirka Arrimaha gudaha ee Mamulkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-