DHAGEYSO:- Qaxooti ka yimid Dalka Kenya oo gaaray Magaalada Kismaayo iyo Maamulka Jubbaland oo ka hadlay

0

Waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu soo dhaweeyay ku dhawaad 100 qof oo Qaxooti ku ahaa Dalka Kenya.

Qaxootigaan gaaray Magaalada Kismaayo ayaa waxay ka soo laabtay Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab eek u taalla Dalka Kenya.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa dadkaa ku soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, waxaana la dajiyay Xerooyin loogu tala galay Qaxootiga ka soo laabta Dalka Kenya.

Liibaan C/llaahi Biixi oo ka tirsan masuuliyiinta Maamulka Jubbaland gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in dadkaasi Soomaaliyeed ay ku soo dhaweeyaan magaalada Kismaayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-