DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Magaalada Boosaaso ka dib safarkii dalalka Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa Dalalka Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha Maamulka Puntland waxaa garoonka diyaaradaha Boosaaso ku soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland, Wasiiro, Xildhibaano, iyo Saraakiil Ciidan.

Soo dhaweyn ka dib waxa uu Madaxweynaha Puntland ka warbixiyey safarkiisa uu ku tagay dalalka Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya, waxaana uu sheegay in safarkiisu uu salka ku hayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay Heshiis uu la soo saxiixday Madaxda Dalka Sacuudi Carabiya.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gaas:-