DHAGEYSO WAREYSI:- Admiral Faarx Axmed oo sheegay in beesha caalamka xilligan aysan ogoleyn dhismaha ciidamada badda Soomaaliya

0

Admiral Faarx Axmed Agaasimaha Hey’adda Cilmi baarista badaha Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in beesha caalamka xilligan aysan ogoleyn dhismaha ciidamada badda Soomaaliya si ay u ilaaliyaan biyaha Soomaaliya.

Admiral Faarx ayaa sheegay in caalamka aysan ogoleyn Soomaaliya in ay ka iibiyaan Hub iyo waliba qalab lagu ilaaliyo xeebaha Soomaaliya si looga hortago Maraakiibta shisheeye ee kalluumeysiga shrci darada ka wada biyaha Soomaaliya.

Waxaana uu rajo xumo ka muujiyay in xilligan la helo ciidamo ilaaliya xeebaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Agaasimaha Hey’adda Cilmi baarista badaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan Maraakiib fara badan kuwaas oo si sharci daro ah kaga kalluumeysta biyaha Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO