DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Baarlamanka Soomaaliya oo loogu yeeray inuu saxo heshiiskii laga gaaray doorashada 2016.

0

Hay’adda cilmi-baarista ee Heritage Institute ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday baarlamanka Soomaaliya inuu saxo heshiiskii qaabka doorashada ee ay dhowaan gaadheen madaxda dawladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Daraasad ay soo bandhigtay hay’adda ayaa sheegtay in mas’uuliyiintaasi uu heshiiska jiraa awoodo badan siinayo, inaanu jirin dammaanad qaad in 30% haweenka ay ka heli karaan aqalka hoose ee baarlamanka.

Daraasadda, waxa ay sidoo kale ku baaqday inaan madaxda awood loo siinin ansixinta liiska xubnaha baarlamaanka ee ay soo xulayaan odayaasha dhaqanka.

Hay’adda ayaa dhinac kalena ku baqday in Muqdisho ay wakiillo ku yeelato aqalka sare ee baarlamanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA AGAASIMAHA MACHADKA HERITAGE CABDIRASHIID KHALIIF XAASHI.