Dowlada Uganda oo Midowga Afrika kala hadleysa dib u dhaca Mushaarka Ciidankeeda ku jira AMISOM

0

Dowladda Uganda ayaa madaxda Midowga Afrika kala hadleysa dib u dhaca mushaaraadka Ciidanka Uganda ee ka qeybta ah howlgalka midowga Afrika AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Uganda Paddy Ankunda, ayaa u sheegay  Xinhua, in Dowladda Uganda ay wadahadal kula jirto Midowga Afrika si wax looga qabto Mushaarka Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya oo aan la helin muddo bilo ah.

Ankunda,waxaa uu sheegay in 4 Bilood Ciidanka Uganda ee  jooga Soomaaliya aysan arag wax mushaar ah,taas oo uu sheegay in ay walaac ku abuurtay Dowladda Uganda oo Mushaaraadka Ciidankeeda jooga Soomaaliya uu qeyb ka yahay Miisaaniyadda dalkaasi.

Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya ayaa gaaraya 6,000 oo Askari,kaas oo uu mid kasta Bishiiba qaato $1,028 Doollar,$200 oo ka mid ah Lacagtaas,waxaa jarata Dowladda.

Afhayeenka ayaa meesha ka saaray in qarash dhimista ay sameysay  Midowga Yurub aysan waxba u dhimeyn Niyadda Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.