Dur Duro 2 W/Q: Abdullahi Ahmed Abdulle (Azhari)

0

Durduro weeye labaadoo qarankii bay dumiyeen.
Durdura weeye labaadoo waa isdiiddanyihiin.
Durdura weeye labaadoo diin quray wada sheegan.
Durdura weeye labaadoo dir kaliyayba yihiin
Durdura weeye labaadoo dal fog baan ka arkaa.

Waxa ay isku qancin la’yihiin Aragtida siyaasadeed ee ku dhisan qabyaaladda.

Waxaa hankoodu ku dhex wareegayaa wax-ku-ahaanshaha beel hoosaadyadooda oo keli ah mana laha kalsooni shaqsiyeed qabiil in ay cuskadaan ma ahee, 
Waxa ay kala qabaan Aragtiyo kala duwan, isumana sheegtaan fakarkooda dhabta ah. Waa is-eedeeyaan oo beel kastaaba waxa ay dhexdeeda isu Tilmaamaan khaladka iyo dhacdooyin ay ku durayso tan kale.

Isuma garaabaan ismana cafiyaan. Waxa ay huwan yihiin qabiil oo way isdiidsiiyaan ku doodidiisa, balse waa ku milansanyahay, wax iskama yiraahdaan waxii ay shalay ku dirireen.

Haddii ay beesha caalamku isu keento waxa ay yiraahdaan xukunka aan u tartano. Yaabka yaankiye, marka ay ku kala guulaystaana durba waa ismucaaradaan, taas oo dhashaa in xukunkaasi socon waayo.

Markii horeba iyagaa ku heshiiyay 4.5, hadana isku diiddan, Iyagaa deegaan wax ku kala raba iskuna dulmaya, Iyaga baa sheeganaya in ay wadaagaan Af, Diin, isir iyo midab intaba.

Soomaalidu, iyada baa ku andocoota in ay yihiin dad xigaalo isu wada ah, sida abti, seeddi, awoowe. Waxa ay u kala qoqobmeen maamulo qabiilaysan, oo Somaaliga kale ee aan u dhalan Ajnabi (qof qalaad) ka yahay.

waxay isugu goodiyaan markay doodahayaan in ay kala goosanayaan haddaan kan khaldan loo tanaasulin ( ku qabso ku qadimayside), Lama hayo weli meel hantidii maguurtada ahayd ee qaranka si dhab loo maareeyay.

Gobol kasta waxa uu dhisanayaa ciidan gobaleed beelaysan waxaana dhici karta in gobollada dariska ahi isugu adeegsadaan dagaal dhexdooda ka dhaca.

Kuwa ku magacaaban ciidamada xoogga dalku waxa ay u kala qaysan yihiin jifooyin beeleedyo, iskumana jiraan. Taliyaasha sar-sarena iyo Saraakiisha gaashaandhiggu si xor ah uma kormeeri karaan. Taliyaasha xeryaha ciidanku badanaa waa Jeneral Beeleed oo aan abid kulliyad ciidan ama tababar ciidan oo durugsan aan soo marin. Haddii beelaha aagga ay joogaan degan isku dhacaan waxa ay kala taakuleeyaan, waxaaba dhacda mararka qaar in ay la kala saftaan .
.
Kud ka dagoo qanjo u durug,
Darin iyo go’ wadatadan Jeerigaan dawarisadan,
Teendhada ku doodadan Waaba looga sii daray,.
Allow dagalkan barakacay Dabayl caafimaad sii
Allahayow dul badanow deeq daada noo badi,
Allow kibirka doqonimo dembi dhaafid naga sii,
Allow way dur-durisee Aanay dalagga kala jabin.( Maxamud Cabdullaahi Sangub. ).
Aamiin Aamiin _

W/Q: Abdullahi Ahmed Abdulle (Azhari)
Email: azhari101@gmail.com