Hay’ada MSF oo ku baaqday in la baaro duqeyntii loo geystay Isbitaalkeeda

0

Hay’adda dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF ayaa mar kale ku calisay dalabkeedii ahaa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo weerarkii diyaaradaha Maraykanka ay ku qaadeen isbitaal ay hay’adda maamusha oo ku yaalla Afqaanistaan oo 42 qof ay ku dhinteen.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa horay u sheegay in 16 qof oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ay wajihi doonaan guddi anshax, balse aan lagu soo oogi doonin wax dacwado ah.

MSF waxay ku sheegtay arintaasi ‘ciqaab aan u qalmin ragaasi’ marka loo eego baaxadda burburka iyo dhimashada ay gaysteen.

Xigasho BBC