Kaalin intee le’eg ah buu shisheeyuhu ku leeyahay sharcidarada iyo fowdad ka socota Soomaaliya?

0

Inta aanan qormadeyda bilaabin aan bal marka hore canbaareeyo dowladda Kenya oo heshiis la saxiixatay beel Soomaaliyeed xilli ay Dalka ka jirto dowlad la aqoonsan yahay. Waxa ayna talaabadani marqaati u tahay hagardaamada ay dalalka dariska ah ku hayaan Dalkeenna Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale talaabadani marqaati u tahay damiir-xumida kuwa sheegta siyaasiyiinta ee aan kala aqoon waxa xun iyo waxa fiican.

Haddaan dib ugu soo laabto qormadeenna, Dalka Soomaaliya waxaa ka socda sharcidarro baahsan oo ay samaynayaan shaqsiyaadka horbooda Dowladda Federaalka iyo maamul beeleedyada ka jire Dalka ee ay ka midka yihiin Soomaaliland, Buntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Khaatumo iyo waliba maamulka kale ee la magac-baxay Galmudug ee ka kooban 1.5 (gobol iyo barka). Hadabo, kaalin intee le’eg ah buu shisheeyuhu ku leeyahay sharcidaradan baahsan ee ka socota Dalkeenna ?

Inta aan ka jawaabin su’aashaasi, Aan bal marka hore waxoogaa ka warammo xadgudubyada sharciyeed ee ay maalin walba ay gaysanayaan kuwa horbooda Dowladda Federaalka iyo waliba waxa loogu yeeero maamul goboleedyada ee ay Itoobiya ku shaqeysato, Kuwaasi oo maalin walba qaadayo talaabooyin sharciddarro ah, bal lagu tilmaami karo khiyaamooyin qaran maadaamma ay talaabooyinkaasi ka hor-imaanayaan qawaaniinta iyo shuruucda Dalka.

Shaqsiyaadkan oo xilal kala duwan ka hayo heerarka ay ka kooban tahay Dowladda Federaalka iyo waliba maamul beeleedyada, Ayaa qaadayey dhowrkii sano ee la soo dhaafay talaabooyin ka hor-imaanayo Dastuurka Dalka, Halka ay dhinaca kalena galayeeen heshiisyo baadil oo aan waafaqsaney Dastuurka, Taasi oo runtii ka dhigan khiyaamo qaran.

Sidan soo sheegayba, Shaqsiyaadkan, gaar ahaan kuwa horbooda Dowladda Federaalka, Ayaa waxaa hab-dhaqan u ahaa dhowrkii sano ee la sooo dhaafay kutumasaho sharciyeed oo aan horay loo arag nooceeda oo kale, Taasi oo ku dhexbaahday hay’adaha ay ka kooban tahay Dowladda Federaalka sida ha’adda fulinta, sharci-dajinta iyo waliba hay’adda kale ee garsoorka xilli Dalku uu leeyahay Dastuur ay ku caddahay wax walba oo la qabanayo sida loo qabanayaba.
Waxa ay sidoo kale Iyadana kutumasho sharciyeedi ka jirtay, Islamarkaanna ay maanta ka jirtaa dhanka waxa loogu yeero maamul goboleedyada, Kuwaasi oo ay caado u noqotay waxyaabo aanan lagu arag dhaqanka dowladnimada sida in ay heshiisyo waaweyn la galaan dowlado shisheeye xilli ay Dalka ka jirto Dowlad Dhexe oo uu Caalamku aqoonsan yahay, iyo waliba booqasho aan dhamaad lahayn oo ay ku tagaan dalalka dariska ah sida Itoobiya oo kale.

Labadan dhinac ayaa galay khaladaad badan oo ka dhan ah Dastuurka Dalka iyo waliba qawaaniinta dowliga ah ee ay ku dhaqmaan dowladaha Caalamka. Waxaana ka mid ah khaladaadkaasi kuwa soo socda :-
1-Dhismaha maamul goboleedyo sharcidarro ah oo aanan loo marin sida uu Dastuurku tilmaamayo (labada dhinac)

2-Galidda heshiiyo waaweyn oo aan marna la soo marsiinin Goloha Baarlamaanka si loo ansaxiyo ama loo diiddo (federaalka)

3-Soo gelidda Dalka ciidamo shisheeye, Iyada oo aan ogolaansho laga helin Golaha Baarlamaanka (labada dhinac)
4-Dhismaha guddiyo sharcidarro ah sida midka ay hadda u bixiyeen madasha Qaranka oo kale (labada dhinac)

5-La gelidda heshiiyo waaweyn dowlado shisheeye xilli ay Dalka ka jirto Dowlad Dhexe (maamul goboleedyada)
Arimahan (sharcidaradan) ayaa dhacayey xilli ay sacabtun ku jireen kuwa sheegta beesha Caalamka ee ku sugan gudaha Dalka iyo dibadiisaba, Iyagoo ku tilmaamayey sharcidarooyinkaasi guulo la gaaray, Taasi oo runtii ka yaabisay Shacabka Soomaaliyeed. Sidee guulo ugu tilmaami kartaa kutumasho sharciyeed iyo waliba gaboodfallo ka dhan ah shuruucda Dalka iyo waliba qawaaniinta Caalamiga ah, Mise Adigu waxba kaama galinoow guuldarada ayaad u taqaannaa guul. Ma sidaas baa shisheeye ?
Shisheeyahan ayaanan ku ekaanin amaanid iyo buunbuunin ay u samaynayeen xadgudubyadii sharciyeed ee ay geysanayeen kuwa majaraha u hayo siyaasadda Dalka, Bal waxa ay shisheeyuhu ahaayeen kuwa dhaqaalaha ladabajoogay xadgudubyadaasi, Taasina waxa ay daliil cad u tahay in Shisheeyuhu aanu marna wanaag la doonaynin Dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay taageerayaan waxyaabo sharcidarro.

Haddaan dib ugu soo laabto su’aasha qormadeena ah: kaalin intee le’eg ah buu shisheeyuhu ku leeyahay sharcidarada ka socota dalkeenna Soomaaliya ? Jawaabu waxa aan leenahay kaalin weyn ayey ku leeyihiin sharcidaradaasi Anagoo faahfaahin doonno, Islamarkaanna keeni doonno waxyaabo marqaati u ah dooddeena sida aad Adinkuba arkari doontaan haddii uu Rabbi dimo.

Sidan soo sheegayba, Shisheeyaha gacanta kula jira arimaha Soomaaliya, Waxa ay kaalin weyn ku leeyihiin xadgudubyada sharciyeed ee ka socda Soomaaliya, Maxaa yeelay Iyaga ayaa ah kuwa dabada ka riixayo shaqsiyaadka samaynayo xadgudubyadaasi, Haddii ay ahaan lahayeen kuwa ku jira Dowladda Federaalka iyo haddii ay ahaan lahaayeen kuwa horboodayo waxa loogu yeero maamul goboleedyada.

Markan mid mid u dul istaagno shantii qodob ee aan kor ku soo xusay ee aan ku eedeynayey in ay sameeyeen kuwa majaraha u hayo maamulada ka jira dalka Soomaaliya sida Dowladda Federaalka oo kale, Shisheeyuhu waxa uu ahaa midka horboodayey xadgudubyadaasi. Tusaale ahaan, markii la dhisayey waxa loogu yeero maamul goboleedyada qaar shisheeyuhu waxa uu ahaa midkii wax ka dhisaayey maamuladaasi sharcidarada ah sida maamulka Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo kale.
Waxaa kaloo uu ahaa midkii sugayey amniga goobihii ay ka dhaceysay sharcidaradaasi, halka uu dhinaca kalena u qaabilsanaa buunbuuninta iyo qurxidda maamuladaasi sharcidarada ah sida maamulka Galmudug oo kale, Kaasi oo ka kooban gobol iyo bar, halka Dastuurkuna uu sheegayo in maamul goboleedka laga doonayo in uu ugu yaraan ka koobnaado labo gobol iyo waxii ka badan.
Intaasi kuma koobna kaalinta xun ee shisheeyaha, Bal waxa ay qeyb ka yihiin dhaqan-xumida ay la soo baxeen waxa loogu yeero maamul goboleedyada sida Buntland iyo Soomaliland oo kale, Kuwaasi oo u dhaqmayo sida dowlado madaxbanaan oo kale. Tusaale ahaan, Waxaad arkaysaa Iyaga oo heshiisyo waaweyn la galayo dowlado iyo hay’ado shisheeye xilli ay Dalka ka jirto Dowlad Dhexe oo la aqoonsan yahay.

Tan kale, Goorma ayuu shisheeye faa’iido yeeshay, Yaase burburiyey Dowladdeenii xoogga badneyd ? Yaa kala firdhiyey Maxkamadihii Islaaamiga ahaa ee aad aragteen amnigii ay dalka ku soo dabaaleen ? Yuuse sababsaday Ra’isulwasaarihii la jeclaa ee Mr. Farmaajo ? Sow un shisheeye ma’ahayn cidda ka danbeysay waxaasi oo dhan ? Waa maxayse eregya shisheeye ?
War miyeydan arag halka uu shisheeye dhigay dalalka Ciraaq, Liibiya, Yeman, Siiriya iyo Masar ? Mase garaneysaan sida ay ahaan jireen dalalkaasi inta aanan shisheeyuhu faragelin ? Yaase sabab u ahaa in xukunka laga tuuro Madaxweynihii sharciga ahaa ee dalka Masar ninka lagu magacaabo Maxamed Mursi ? Sow sabab uma ahayn dalal ay ka mid tahay Imaaraadka Carabta ?
Anigu, Waxaan qabaa runtii in shisheeyuhu uu uga darayo xaaladda Dalka, Maxaa yeelay waxaa iska hor-imaanayo danihiisa iyo danaheenna, Waana sababtaasi sababta ay marwalba u fashilmaan faragelinta uu shisheeyuha ku sameeyo Dalkeenna. Waxaan sidoo kale qabaa in faragelintooda ay u khidmeyneyso dalalka dariska ah sida Itoobiya iyo Kenya oo kale. Kuwaasi oo aan marna dooneynin in ay arkaan Soomaaliya oo nabad ah, Islamarkaanna ay ka jirto dowlad xooggan.

Markan hadalka soo uruuriyo, Shisheeyuhu kaalin weyn ayuu ku leeyahay sharcidarada iyo fowdada ka socota Soomaaliya ee ay sameynayaan kuwa majaraha u hayo maamulada ka jira dalka ee ay astaantoodu noqotay kutumasho sharciyeed iyo waliba kutakrifal awoodeed. Waxaanna aaminsanahay inayan dhici lahayn waxyaabaha maanta dhacayo haddii aysan Dalka joogin ciidamo shisheeye, Maxaa yeelay waa la iska qaban lahaa kuwa ku cayaarayo shuruucda Dalka.
Gabogabadii iyo gunaanudkii, Haddaan mar kale isweydiinno kaalin intee le’eg ah buu shisheeyuhu ke leeyahay sharcidarada iyo dhaqan-xumida ka socota dalkeenna ee ay sameynayaan siyaasiyiinta ka soo jeedda beelaha Majeerteen, Abgaal iyo Isaaq oo runtii ah kuwa maanta calanka u sida gumeysiga cusub ee lala damacsan yahay Dalkeenna ? Jawaabtu waxaan leennahay kaalin weyn ayuu shisheeyuhu ku leeyahay waxa dhacayo, Maxaa yeelay Iyaga ayaa ah kuwa maalgelinayo waxa dhacayo, Islamarkaana qurxinayo.

W/Q: Maxamed Ibrahim
Al-faatix1960@hotmail.com