Ku dhawaad 100 Tahriibayaal ah oo ku dhintay Badda Liibiya

0

Todobaatan tahriibayaal ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen badda Liibiya, xilli ay doonayeen in ay gaaraan qaaradda Yurub.

Warbaahinta Talyaaniga oo soo xiganeysa ilaalada xeebaha dalkaasi, ayaa sheegtay in 26 muhaajiriin ah la badbaadiyay ka dib markii ay doontooda degtay.

Waxaa la rumeysan yahay in doontaasi ay saarnaayeen ku dhawaad boqol qof, waxaana ay ku degtay meel 4 mayl u jirta xeebta magaalada Sabrata ee Liibiya.

Badda Liibiya ayaa noqotay marinka ugu weyn ee muhaajiriinta u socota Yurub, ka dib markii ay Turkiga iyo Midowga Yurub ku heshiiyeen joojinta tahriibayaasha mara badda Aegean.